Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa ku dhawaaqay Golaha Wasiirrada cusub ee maamulkiisa, kuwaas oo la filayo inay hoggaamiyaan howlaha xukuumadda iyo fulinta qorshayaasha maamulka muddada soo socota.
Magacaabistan ayaa timid kaddib markii hoggaanka cusub ee Galmudug uu la wareegay mas’uuliyadda maamulka, iyadoo indhaha bulshada iyo siyaasiyiinta Galmudug ay ku wajahan yihiin qaabka ay xukuumadda cusub u wajahdo arrimaha amniga, dib-u-heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Golaha Wasiirrada cusub ayaa wajahaya masuuliyad la xiriirta dardargelinta howlaha maamulka iyo ka jawaabista baahiyaha shacabka ku nool deegaannada Galmudug.
Liiska Golaha Wasiirrada cusub ayaa hoos ku qoran.









