Twitter oo markale hawada ka saartay qoraal uu soo dhigay madaxweyne Trump

Shirkadda barta bulshada ee Twitter ayaa mar kale hawada ka saartay qoraal uu soo dhigay madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump kaas oo ay ku sheegtay in uu ahaa mid hanjabaad xambaarsanaa.

Sarkaal u hadlay shirkadda twitter ayaa warbaahinta u sheegay in ay xayiraad saareen qoraalkan maadaama uu jabinayo shuruucda u dagsan shirkadda.

Shirkadda ayaa sheegtay in qoraalkan loogu hanjabayo shakhsiyaad ama koox, taas oo xadgudub ku ah shuruucda u dagsan twitterka.

Waa markii shanaad ee ay shirkadda twitter xayiraad saareyso qoraal uu soo dhigay madaxweyne Trump bartiisa twitterka.

Qoraalkan ugu dambeeyay ee xayiradda lagu soo rogay ayaa dhigaya in xoog lagu maquunin dooni shakhsiyaadka ama kooxaha xirta wadooyinka caasimadda Washington, dibedbaxa awgiis.

Shirkadda twitter ayaa wali qoraalka ka saarin barteeda, balse waxa ay dulsaartay digniin iyo in qofkii doonaya uu sii riixan karo.

Dhawaan ayaa waxaa soo ifbaxay dagaal u dhaxeeyay shirkadaha baraha bulshada, sida twitter iyo Facebook iyo madaxweynaha Mareyknaka Donald Trump, waxaana ay hawada isu mariyeen hanjabaadyo.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *