Taliyihii hore ee ciidamada daraawiishta Puntland oo ku geeriyooday Itoobiya

Taliyihii hore ee ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Puntland S/Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cusman Axmed oo ku magac dheeraa Cali Baadiye ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xanuunsanaa, isaga oo caafimaad ahaan loogu qaaday dalka , Itoobiya gaar ahaan  magaladda Addis Ababa.

Geerida ku timid Cali Baadiye ayaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta.

Marxuumka oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Puntland ayaa xilligii xukuumaddii Cadde Muuse soo noqday taliyaha ciidamada daraawiishta ee maamulkaasi.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *