Xalay waxaa dab la qabadsiiyay oo bur-buriyay guud ahaan kaamka qoxootiga Moria, jasiiradda Lesvos ee dalkaasi Griigga, waxaana baxsaday kumannaan qoxooti ah oo halkaasi ugu jiray karantiil cudurka coronavirus ah.

Kaamkan oo ah kan ugu weyn ee qoxootiga ee Yurub ku yaal ayaa waxaa ku jiray  13.000 oo ruux, waxaana uu dabkiisa bilowday xalay abaare kowdii habeenimo.

Waddooyinka gala kaamkaasi ayaa waxaa lagu arkayay qoxooti u badan dumar iyo carruur kuwaas oo fadhiya ama seex-seexday hareeraha wada, kumannaan kalena waxaa ay u baxsadeen magaalada inteeda kale.

Booliska oo aad u waardiyeeya kaamkaasi ayaa xalay talo farahooda ka baxday, waxaana qoxootiga baxsaday qaarkood ay fuuleen buuraha si ay ugu sii gudbaan magaalada.

Xaaladda kaamkan oo saakay daggan ayaanan wali la sheegay khasaare nafeed oo ka dhashay marka laga reebo dabka bur-buriyay kaamka.

Wali ma caddda waxa dhaliyay dabka kaamka, balse wararka waxa ay sheegayaan in qoxootigii awal cabursanaa lagu soo rogay shuruuc cusub oo la xiriira faafidda cudurka coronavirus kaas oo dhaliyay khalalaase.

Kaamkaas ayaa dadka ku jira waxaa ka mid ah soomaali tahriib ahaan ku gaartay Griigga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*