Qiiq fara badan oo wasakheeyey hawada caasimadda India ee Delhi ayaa hakad galiyey cayaar Cricket ah oo dhex maraysay India iyo Srilanka, ka dib markii ay cabasho ka timid kooxda Srilanka.

Tallaabo ay warbaahinta India ku tilmaantay mid aan hore loo sii saadaalin, ayey cayaartoyda Srilanka waxay soo xirteen qalabka wajiga lagu xirto qofka ka ilaaliya inuusan wasakh neefsan.

Dhowr goor ayaa cayaarta la joojiyey markii cayaartoydu ay cabasho ka keeneen, walow wajiga uu u duubnaa.

Xataa mar baa jirtay ay garsoorayaashu cayaarta joojiyeen si ay ula tashtaan dhakhaatiir.

Afkaar kala duwan ayey dadku ka dhiibteen baraha bulshada, ayadoo qaar ay sheegeen in ay sharci tahay cabashada cayaartoyda maadaama hawada wasakhaysan ay caafimaadkooda waxyeello u gaysan karto, halka kuwo kalena ay qabaan inay tahay marmarsiiyo ay la yimaadeen, maadaama aysan ku faraxsanayn halka ay kaga jireen cayaarta socotay.

Muddo dhowr todobaad ah ayaa la sheegay in caasimadda India uu hareeyey qiiqa wasakhaysan.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*