Jabiso baxsad ah oo baqdin galinaysa shacabka magaalo ku taal Faransiiska

Mas nooca loo yaqaanno jabisada ah, oo lagu magacaabo Isis, ayaa ka baxsaday guri lagu hayay oo ku yaalla magaalada Rennes,, ee dalka Faransiiska, wuxuuna cabsi xooggan ku abuuray dadka deegaanka.

Maska oo dhirirkiisu la egyahay hal mitir (3ft) ayaa ka baxsaday guri ku yaalla magaalada Rennes ee dalka Faransiiska.

Maalintii Talaadada ayuu maska isagoo aan laga warqabin ka baxay dhisme ku yaalla xaafad lagu magacaabo Rue du Pré Perché, sida ay shaaciyeen warbaahinta dalkaas.

Durba waxaa darbiyada xaafaddaas lagu dhaliyay boorar ay ku qoran yihiin digniino shacabka loogu jeedinayo in aysan carruurtooda ka tagin iyagoo kaligood ah.

Ilaa hadda lama arkin xayawaankaas, oo lagu soo warramay inuu ku noolaa dabaqa ugu hooseeya ee dhismaha.

“Waxaan illoobay inaan xiro sakatuurada meeshii uu ku jiray,” ayuu yiri qofkii maska lahaa, oo la hadlayay wargeyska Quest France.

“Waxaan ka raadinnay meel kasta oo ka mid ah gurigeenna… waxaan wargalinnay waaxda dab damiska ah, laakiin waxay noo sheegeen inaysan heynin qalab lagu fahmayo meesha uu ku jiro maska.”

Qofka milkiilaha ah, oo aan magaciisa la shaacinin, ayaa wargeyska u sheegay in maskaas oo labo sano jir ahaa uu si sharci ah usoo iibsaday lix bilood ka hor.

Dadka deegaanka, oo aan dhag jalaq u siinin sheegashada milkiilaha ee ah inuusan maskaas halis ahayn, ayaa ka walaacsan dhibaatada uu u geysan karo, waxayna feejignaanta billaabeen isla markii ay maqleen inuu jiro mas baxsad ah.

“Waxaa laga yaabaa inuusan weerar kuu geysanin laakiin waa wax laga cabsado. halkaas waxaa noo jooga carruur iyo dad waayeello ah,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlayay wargeyska Le Télégramme.

Nin kale oo dhallinyaro ah ayaa isla wargeyskaas ku yiri: “Waan cabsanayaa, mana doonayo inaan xaafaddaas aado.”

Masaska noocan ah, oo loo yaqaanno “Royal pythons”, ayaa laga helaa waddamada galbeedka iyo bartamaha qaaradda Afrika, waana xayawaan si aad ah loo dhaqdo.

Waa nooca ugu gaaban ee jabisooyinka ku nool Afrika, dhirirkiisuna wuxuu gaaraa oo kaliya 182cm (72 in).

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *