Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in duqayntii dhacday 25-kii Ogosto lagu dilay Cabdulqaadir Kumaandoos oo ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee ururka Al-Shabaab.

Maraykanku waxa uu sheegay in Cabdulqaadir Kumaandoos uu soo qabtay jagooyin kala duwan Al-Shabaab dhexdeeda, iska markaana uu Taliye Sare ka ahaa ururka markii u dambaysay.

Cabdulqaadir Kumaandoos ayaa duqeynta lala beegsaday waxay ka dhacday nawaaxiga Saakow ee Jubbada Dhexe.

Xaqiijinta Maraykanka ayaa imanaysa maalin kadib markii Al-Shabaab ay weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamada dawladda iyo kuwa Maraykanka oo ku taalla deegaanka Janaay Cabdalle oo galbeed ka xigta magaalada Kismayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*