Fannaan Bieber oo maxkamad la tiigsanaya dumar kufsi ku eedeeyay

Fannaanka caanka ah ee reer Mareykan Justin Bieber ayaa shaaca ka qaaday in uu maxkamad la tiigsanayo labo dumar ah kuwaas oo barta bulshada kusoo qoray in uu kufsi u geystay sanooyin ka hor.

Labadan dumar ayaa ku eedeeyay fannaanka in uu kala “kufsaday” shan sano iyo lix sano ka hor, laakiin ma aysan sheegin halka uu ku kufsaday.

Justin Bieber oo aan lagu aqoon in uu ka daba hadlo dadka baraha bulshada ku jiid-jiida ayaa doorkan u jawaabay labadaasi dumar, waxaana uu ugu hanjabay in uu la tiigsanayo sharciga.

Hanjabaadaasi ayuu kaga dhabeeyay fannaanka, waxaana uu iminka la korayaa maxkamad isagoona ka doonaya labadooda lacag dhan 20 milyan oo dollar.

Dacwad uu qareenkiisa u gudbiyay maxkamadda ayaa waxaa ku qornaa in “labadan dumar ay qaab masabidasho ah ay doonayeen in ay ugu soo caan baxaan fannaan Bieber, iyagoona soo dhoodhoobay eedeymo eysan waxba ka jirin oo ay kula kacayaan fannaanka.”

Mid ka mid ah labadan dumar oo mageeda twitter-ka ugu qornaa ahaa Danielle ayaa sheegtay in magaasi uusan aheyn keeda runta ah, iminkana khadka laga saaray bartaasi twitter-ka.

Tan kale ayaa iyana la baxday Kadi, balse fanaanka ayaa tuhmaya in labada barba uu ka dambeeyo hal qof.

Bieber oo isku kalsoon ayaa sheegay in eedeymahaasi waxba ka jirin, uuna sharciga ula tiigsanayo sidii ruux dambe uusan ugu soo fududaan.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *