SCOTLAND: Weerar mindi oo ka dhacay magaalada Glasgow

Booliska magaalada Galasgow ee Scotland ayaa toogasho ku dilay nin ay sheegeen in uu ka dambeeyay weerar saacado ka hor ka dhacay hotel lagu magacaabo Park Inn kaas oo ku yaal bartamaha magaaladaasi.

Weerarkan oo loo adeegsaday mindi ayaa waxaa ku dhaawacmay lix ruux oo midi boolis yahay, waxaana ilaa iyo iminka ku dhintay ninka weerarka geystay.

Sarkaal booliska u hadlay ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan dadka ku dhaawacmay weerarka loo qaaday isbitaalka, qaarkoodka dhaawacyada soo garay ay culus yihiin.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in aysan raadineynin dad kale oo weerarkan xiriir la leh, ayna soo afjarayaan dhacdada.

Wali ma cadda sida ay wax u dheceen iyo waxa ku kallifay ninkan in uu weerarka mindida ah geysto.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *