Caro ka dhalatay r/wasaaraha Pakistan oo “shahiid” ku tilmaamay Osama Bin Laden

Caro weyn ayaa ka dhalatay hadal uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan, kaddib markii uu “Shahiid” ku tilmaamay hoggaamiyihii ururka Al-Qaacida ee uu dilay Mareykanka.

Xildhibaannada kasoo jeeda garabka mucaaradka ee Pakistan ayaa si weyn u dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha. Hase ahaatee, waxaa su’aalo badan la iska weydiinayaa sababta uu Imran Khan eraygaas ugu adeegsaday dilkii Bin Laden.

Erayga uu Bin Laden ugu adeegsaday khudbaddii uu jeediyay Khamiistii ma ahayn mid afkiisa uga soo baxay si kama’ ah ama aan ku talagal ahayn.

Dad badan waxay dareemeen in xilligiii uu khudbaddaas jeedinayay uu markii hore uu Bin Laden ku tilmaamay in “la dilay” laakiin uu hadalkiisa gadaal ka saxay kuna tilmaamay inuu “shahiiday”.

Intii uu khudbaddiisa waday, Imran Khan wuxuu sidoo kale eedeyn dusha uga tuuray Mareykanka, oo ciidankiisu ay fuliyeen dilkii Cusaama Bin Laden.

Hindiya ayaa si joogto ah Pakistan ugu eedeysa inay taageero buuxda siiso kooxaha mayalka adag ee dagaalka kala horjeeda xukuumadda Delhi.

Isbuucan gudihiisa waxay xukuumadda Delhi waddankeeda ka eriday dad badan ka mid ah shaqaalaha ka howl gala safaaradda ay Pakistan ku leedahay Hindiya.

Dhowr toddobaad ka horna waxay Hindiya sheegtay inay waddankeeda ka musaafurisay qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Pakistan, kuwaasoo ay ku eedeysay inay ka shaqeynayeen dhaqdhaqaaqyo basaasnimo ah iyo xiriir ay la lahaayeen kooxo argagixiso ah.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *