NORWAY: Qaadashada baasaboorka norwiijiga oo sahlanaatay kadib sharci cusub oo hirgalay

Kadib sharci cusub oo hirgalay sannadkan bilowgiisa kaas oo dhigaya in baasaboorka norwijiga ay qaadan karaan dhammaan dadka kasoo jeeda waddamada ku bohoobay Midowga Yurub kuwaas oo haysta baasaboorrada waaweyn, waxaana bilo kooban gudohooda codsaday dad ka badan 26.000 kun oo ruux.

Sidaas si la mid ah ayay muwadiniinta haysta baasaboorka noorwijiga iyana codsan karaan dhalasha waddan kale oo Midowga Yurub ka tirsan.

Sida ay shaacisay hay`adda soogalootiga ee UDI waxaa sare u kac ku yimid dadka dalbanaya baasaboorka norwiijiga kuwaas oo horay u ahaa ilaa 14.000 oo ruux, iminka uu marayo 40.000 oo ruux.

UDI ayaa ilaa iyo iminka aqbashay codsiyada ilaa 14.000 oo ruux, waxaana 26-ka kun ee kale lagu wargeliyay in ay ku xisaabtamaan sugidda wakhti dheer inta laga qiimeynayo codsiyadooda.

Dadka qaadanaya baasabooradda ayaa waxaa loo ogolaanayaa in ay usku haysan karaan laba baasaboor taas oo ka dhigan in eysan lumineyn mid ka mid ah baasabooradooda.

Intii laga qaaday baasabooradoodii hore ayaa iminka dib loogu celinayaa.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *