Wiil uu dhalay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gudaha dalka Siiriya.

Wiilkaasi oo lagu magacaabi jiray Xuseen Feysal Cali Waraabe oo kooxda Daacish uu ka tirsanaa loogu yaqiinay Abuu Shuceyb As-Somali, waxaana uu wiilkaani ku koray oo uu ka tegay dalka Finland.

Xuseen Cali Waraabe oo ay walaalo yihiin Feysal Cali Waraabe ayaa xaqiijiyay in wiilka uu adeerka u yahay 29-kii bishii Dicenber lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Siiriyo, inkastoo uusan magacaabin magaalada uu ku dhintay.

Xuseen ayaa sanadkii 2013-kii ka tagay magaalada Hargeysa isagoo doonayay inuu ku biro Al-Shabaab, hase ahaatee waxaa laga soo qabtay xuduuda maamulka Somaliland uu la wadaago Puntland.

Horay ayaa loo faafiyay in duqeyn lagu dilay Xuseen Feysal Cali Waraabe, hase ahaatee wuxuu markii danbe kasoo muuqday baraha bulshada ay kooxda Daacish isticmaasho.

 

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*