Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareegto uu soo saaray u magacaabay Sakariye Yuusuf Xuseen Agaasime ku xigeenka Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.
Magacaabistan ayaa la sheegay in ay qeyb ka tahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso tayeynta iyo hufnaanta shaqada hay’adaha dowladda, iyadoo sidoo kale dhiirrigelinaysa ka qeybgalka dhallinyarada ee hoggaaminta iyo maamulka dowliga ah.
Zakariye Yuusuf Xuseen wuxuu hore u soo noqday Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, iyo sidoo kale Komiishinar Guddigii Xuduudaha iyo Federaalka, Wuxuu sidoo kale kasoo mid noqday  Madaxdii Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed, Global Somali Diaspora (GSD), isaga oo ku takhasusay Siyaasadda, Horumarinta iyo Xiriirka Caalamiga ah.
Dhawaan, Agaasime ku xigeenkii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa isna loo magacaabay Safiir Soomaaliya u jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Safiirka cusub ayaa maalin ka hor u gudbiyay nuqulka warqadaha danjiranimo ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, taasoo u oggolaanaysa inuu si rasmi ah u bilaabo xilkiisa diblomaasiyadeed.







