Osama Binladen oo soo “fariistay” mid ka mid ah kuraasta garoonka kooxda Leeds

Saameynta cudurka coronavirus ayaa sababay in kooxo badan oo ciyaaraha kala duwan ay waayaan taageerayaal usoo xaadira garoomada maadaama la mamnuucay in ay dadka isuyimaadaan ayaa waxaa ay taasi dhalisay in ay fikir kale la yimaadaan kooxaha si ay u camiraan garoomadooda xilliyada ay ciyaarayaan.

Fikiradaasi ayaa waxaa ka mid ah in garoomada kuraastooda lagu soo xardho sawirrada taageerayaasha oo u muuqaal eg taageerayaal nool-nool kuwaas oo bulshada ciyaarta guryohooda ku daawaneysa iyo ciyaartooydaba dhiirigalisa.

Hadaba taageerayaasha fursadahaasi la siiyay ayaa ku takrifala fikradahaasi, waxaana ay qaarkood soo daabacaan sawirro iyaga aan aheyn kuwaas oo ka tarjimaya dad kale oo magac leh, ha xumaadaan ama ha wanaagsanaadaane.

Dhacdo warbaahinta qabsatay ayaa waxaa ay ka dhacday garoonka kooxda kubadda cagta ee Leeds kaas oo la soo “fariisiyay” hoggaamiyihii ururka al-Qaacida Osama Binlande ee uu Mareykanku dilay kaas oo laga dhgay taageere daawanaya ciyaarta.

Maamulka kooxda Leeds ayaa cambaareeyay falkan, waxaana ay sheegeen in ay si dhakhsi ah uga falceliyeen markii ay arkeen, laakiin waxaa uu mar hore ku baahay baraha bulshada.

Sawir kasta oo noocaan ah ayaa waxaa uu qiimihisu yahay 25 pound oo lacagta Britain ah.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *