Waxaa maanta duhurkii mar qura uu ka kacay dab xooggan dekedda magaalada Bayruut bil kadib markii uu halkaasi ka dhacay laba qarax oo isxigay kuwaad oo burburiyay guud ahaan dekedda iyo qeybo ka mid ah dhismooyinka magaalada.

Hay`adaha ammaanka dalkaasi ayaa shaaca ka qaaday in dabkani ka kacay baqaaro ay ku jireen taayaro iyo saliid.

Dadka magaalada ayaa cabsi ka muujiyay dabkani, waxaana ay ka cabsi qabeen in uu ka dhaso qarax.

Dowladda ayaa sheegtay in aan laga cabsi qabin in uu qarax ka dhasho qarax dabkaasi, waxaana ay ku wargelisay shacabka in ay ka fogaadaan aaga dekadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*