Home Wararka Maanta Wasiir Fiqi oo Sheegay inay kordhinayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Xiliga...

Wasiir Fiqi oo Sheegay inay kordhinayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Xiliga Ramadanka

0

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa guul weyn ku tilmaamay qabashada deegaanada Mubaarak iyo Daarisalaam oo ka tirsan  gobolka Shabeellada Hoose, kadib hawlgal saddex maalmood socday oo loogu magac daray “Hawlgalka Badr”.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay dib u xoraynta degaanadan in ay qeyb ka tahay dadaalada lagu xoreynayo deegaannada ay gacanta ku hayaan Alshabaab. Wuxuu sheegay in bisha Ramadaan sanadkan ay ciidamada dowladda u arkaan xilli lagu dardargelinayo gulufka militari ee ka dhanka ah Alshabaab, halkii ay ka ahaan lahayd waqti hawlgalladu yaraadaan.

“Bisha Ramadaan sanadkan ma ahan bil nasasho u ah argagixisada, waa bil aan ku laba jibbaareyno dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, si aan shacabka uga dulqaadno dhibaatada ay ku hayaan,” ayuu yiri.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in ujeeddada hawlgalku uu yahay in Alshabaab laga saaro xarumo istiraatiiji ah oo ay ku lahaayeen gobolka, lana burburiyo goobihii ay ku diyaarin jireen walxaha qarxa iyo xarumihii ay ka abaabuli jireen ururinta waxa uu ku tilmaamay canshuuro sharci darro ah.

Sida uu sheegay, degaanka Mubaarak waxay ahayd saldhig muhiim u ah dhaqdhaqaaqa Alshabaab, gaar ahaan abaabulka weerarrada lagu beegsado Muqdisho iyo isu-socodka maleeshiyaadka u kala gudba gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ku dhawaad 50 dagaalame, oo ay ku jiraan horjoogayaal, lagu dilay intii uu socday hawlgalku, isagoo xusay in khasaaraha gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika uu ahaa mid kooban.

Fiqi wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidamada qalabka sida, isagoo adkeeyay in dowladdu ay sii wadi doonto hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab ilaa laga xaqiijiyo amniga guud ee dalka.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu fariin u diray xubnaha ka tirsan Alshabaab, isagoo ku booriyay inay ka faa’iideystaan fursadaha cafiska iyo dib-u-heshiisiinta ee ay dowladdu sheegtay inay u fidineyso kuwa ka soo goosta kooxda Alshabaab.