“Nin addunyo joogow, maxaa aragti kuu laaban”. Gabar yar oo loo bixiyay magaca Molly Gibson, islamarkaana dhalan muddo bil ah ayaa gashay buugga taariikhda mucjisada adduunka kadib markii la sheegay in ay dhalan laheyd 27 sano ka hor.

Gabadhan yar ayaa ugxantii ay ka abuurantay la fariisiyay bishii Oktober ee sannadkii 1992, waxaana lagu abuuray bishii Febraayo ee saannadkan 2020 haweeneyda lagu magacaabo Tina Gibson oo kasoo jeeda gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka.

Molly ayaa waxaa ay leedahay gabar walaal ah oo iyana dhalan laheyd 24 sano ka hor, waxaana hooyada labadaba dhashay looga abuuray isbitaalka National Embryo Donation Center ee gobolkaasi Tennessee.

Dhacdadan ayaa noqoneysa tan ugu mudada dheer ee lagu keydiyo ugxan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*