Baarlammaanka Puntland oo ka horyimid ansaxinta matelaadda gobolka Banaadir

Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Garoowe, waxayna uga doodeen ajendayaal dhowr ah oo ay ugu weyneyd ansaxinta matelaadda gobolka Banaadir ee aqalka sare ee Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ay ka doodeen arrinta doorashooyinka dalka ee 2020/2021, iyadoona doodda kulanka goobjoog ahaayeen oo ay soo xaadireen 41 xildhibaan.

Intaas kadib xildhibaanada Puntland ayaa go’aano kasoo saaray kulankooda ka dib matelaadda gobolka ee golaha aqalka sare looga siiyay 13-xubnood.

Xildhibaanada ayaa waxaa ay sheegeen in aysan aqbaleyn go’aanka kuraasta loogu kordhiyay gobolka Banaadi, iyagoo arrintaas ku tilmaamay sharci darro.

Sidoo kale xildhibaanada Puntlan ayaa xusay in guddiga doorashooyinka qaranka ay ku fashilmeen xilkii iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa, iyagoona tilmaamay in guddiga uu hab sharci darro ah muddo kordhin ugu sameeyay madaxwenaha iyo labada golle ee dowladda federaalka.

Akhriso sidoo kale...

2 Responses

  1. ARAGIIN BA’ GOBALKA BANAADIR XAA IDINKA GALAY MA BUUNLAANDAA MISE WAA GAROOBE –

    BUUNLAAN ANAGAA U TALINO WAA WAX LA GARTAY OO MUQDISHOONE MA ADINKAA MASALO –

    WAR WAA XUKUN JECESHIHIIN EE AFKIINA NAGA QABTA,

  2. AREEY HALKAAN WAXAA KA TALIYA WAA LAAN GAAB EE MA AHA KUWAA LAAN WEEYN AMA LAANDHEER.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *