Shabakadda warbaahinta Calanka ayaa waxaa lagu sameeyay isbeddal buuxa oo dhanka maqshadda ah, iyadoona naqshaddan cusub ay tahay tii ay horay noogu barteen akhristayaasheena sharafta leh, balse iminka ka casrisan sidii hore.

Naqshaddan cusub ayaa waxaa lagu dhisay barnaamijyo la jaanqaadi kara aaladaha cusub sida ka daalacashada mobile oo si wanaagsan oo fudud aad uga bogan karto adiga oo ku wareerin.

Si kastaba, waxaan dooneynaa in aan dhageysano fikirkaaga ku aadan naqshaddan cusub, haddii aad tahay akhriste hore ama mid gadaal noogu soo biiray.

Laga bilaabo maanta waxaan akhristayaasha u ballan-qaadeynaa warar suga oo maqal iyo muuqaalba leh, sidii aad horay inooga barateenba.

Ku dhiibo fikirkaaga komentiga hoose!

Mahadsanidiin