Biladda caanka ah ee Nobel-ka ee sannad kasta dhammaadkiisa laga baxsho dalka Norway ayaa waxaa sannadkan la guddoonsiiyay hay`adda cuntada adduunka ee WFP.

Hay`adda ayaa qaab digital ahaan loogu diray maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10-ka bisha Desember ee sannadka 2020-ka biladda sababo la xiriira cudurka coronavirus oo ka taagan caalamka.

WFP ayaa ka mahadcelisay biladda, waxaana ay sheegtay in ay rajeyneyso in ay usoo jiiddo fiiro dheer dhanka cunto-yarida caalamka.

” – Waxa ugu muhiimsan ee biladdan ay bidhaamin doonto ayaa ah  690 milyan ee ruux ee habeen walba iyagoo baahan seexda” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo hay`adda kasoo baxay.

Waxaa ay si gaar ah u xustay hay adda afar waddan oo ay cunto-yari ka jirto kuwaas oo kala ah Yemen, South-Sudan, Nigeria iyo Burkina-Faso.

Mid ka mid ah dadaallada hay`adda WFP ay ku muteysatay billaddan ayaa ah gar-gaar ay u fidisay wiil yar oo reer Yemen ah kaas oo gaajo la dhiman gaaray.

Saddex bilood ka hor ayay wakaaladda wararka ee Reuters daabacday warbixinta iyo muuqaalka Hassan Merzam Muhammad oo 10 jir ah kaas oo gaajo sariir la saarnaa.

Iminka waa uu ka toosay sariirta, laakiin wali ma “dhargin”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*