Home Wararka Maanta Magaalada Gaalkacyo oo Aano Qabiil Loogu Dilay Nabadoon Caan ah

Magaalada Gaalkacyo oo Aano Qabiil Loogu Dilay Nabadoon Caan ah

0

Nabadoon Axmed Yuusuf Haameey oo ka mid ahaa nabadoonnada magaalada Gaalkacyo ayaa saakay lagu aasay magaalada, kaddib markii rag hubaysan ay ku dileen goobtiisa ganacsi, wax yar ka hor salaaddii maqrib ee shalay.

Nabadoonka, oo sidoo kale ahaa ganacsade, ayaa ehelkiisa iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga ay sheegeen in loo dilay aano qabiil. Dilkiisa ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Mudug ay sanadihii lasoo dhaafay ka dhaceen dilal la xiriira aanooyin qabiil.

Beesha uu kasoo jeeday marxuumka ayaa maamulka Puntland ka dalbatay in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay dilkiisa, kuwaas oo sida ay sheegeen si nabad ah uga baxsaday goobta uu dilku ka dhacay.

Axmed Yuusuf Haameey ayaa lagu yaqaanay dadaallada uu ugu jiray nabadeynta bulshada iyo ka hortagga aargoosiga iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiilka. Wuxuu si gaar ah bulshada ugu boorrin jiray in dadka geysta dilalka la marsiiyo shareecada Islaamka, si loo xakameeyo dilalka aanooyinka qabiilka.

Hay’adaha amniga Puntland ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno iyo howlgallo lagu baadi-goobayo dadka looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilka nabadoonka, iyadoo aan weli la shaacin cid loo xiray dhacdada.