OSLO: Nin noorwiiji ah oo kala tuuray naag muslimad ah oo la ganaaxay

Booliska magaalada Oslo ayaa waxaa uu ganaax lacageed oo gaareysa 8000 oo kroner waxa uu duldhigay nin noorwiiji ah kaas oo kala tuuray haweeney muslin ah kadib markii uu muran dhex maray.

Ninkan oo lagu sheegay in uu dhaqaale-yahan yahay ayaa haweeneydan wada kulmeen xilli uu isaga aalamiinteynayay, iyadana carruurteeda kula nasaneysay barxadda Rud gressbane ee xaafadda Bærum.

Muran dhanka wadada ah oo labadooda dhex maray ayaa waxaa uu ugudambeyn kala tuuray ninka norwijiga haweeneyda.

Haweeneyda ayaa warbaahinta u sheegtay in marka hore uu ninkani qeylo dhagaha u saaray isaga oo ka gardarnaa, ugu dambeyna uu kala tuuray.

Dhacdadan ayaa waxaa muuqaal ahaan u duubay ruux goobta ku sugnaa.

Booliska ayaa sheegay in ninkan uu ku xadgudbay sharciga qodobkiisu yahay §§ 185 iyo 186, sidaas daraadeedna uu ganaaxa ku muteystay maadaama aan maxkamad la isla tageyn.

Qareenada u doodaya haweeneydan ayaanan ku qanacsaneyn ciqaabta ganaaxa ah ee ninkan la saaray, waxaana ay sheegeen in uu si sahlan uga baxsanayo dambigaan.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *