“Lil Wayne” oo magaciisa runta ah uu yahay Dwayne Michael Carter ayaa maxkamadda St. Petersburg ee gobolka Florida ee dalkaasi Mareykanka ka hor qirtay in uu qaatay bastoolad xilli uu ku safrayay diyaarad isaga u khaas aheyd.

Heesaagan oo 38 jir ah ayay wararku sheegayaan in uu muteysan karo xabsi 10 sano ah, maadaama uu dambiyo kale oo la xiriira qaadasho iyo adeegsi hub uu horay u galay.

Sarkaal ka tirsan FBI-da Mareykanka ayaa bastoolad xabad raacsiisan tahay ka dhex helay boorso uu heesaaga watay taas oo uu kala soo dagay diyaarad khaas ah oo uu la socday sannad ka hor.

Qareenka ninkan oo lagu magacaabo Howard Srebnick ayaa warbaahinta u sheegay in heesaaga uu qaatay bastooladda xilli uusan sharciyad u lahay, laakiin uusan adeegsanin.

28-ka bisha Janaayo ayaa lagu wadaa in uu dhoco xukunkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*