SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray garoonka Studium Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray garoonka ciyaaraha ee Studium Muqdisho, kadib markii la soo gebagebeeyey dib u dhis ballaaran oo lagu sameeyey garoonkaasi oo uu saameeyey burburkii dalka muddo ku dhow 30 sano.

Munaasabadda furitaanka garoonak waxaa ku wehliyay madaxweynaha mas’uuliyiin isugu jira ra`iisul wasaare kuxigeenka dalka ahna kusimaha ra”iisul wasaaraha ,wasiiro xildhibanno guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa dhanka kale wuxuu ka qeybgalay furitaanka ciyaartii ugu horeysay oo garoonkaasi lagu furay,isagoo laaday kubaddii ugu horeysay,waxaana xubnaha la socda kamid ahaa wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dib u dhiska xaruumo kala duwan oo dan guud ah,kuwaasi oo uu xarigga ka jaray madaxweynaha Soomaaliya,iyadoo loo dabaal degayo todobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *