Qarax lagu laayay saraakiil ciidan oo ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay ku dhinteen mas’uuliyiin u badan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga.

Qaraxa ayaa lala eegtay garoonka Cabdullaahi Ciise ee ku yaalla dhinaca koonfureed ee magaalada, halkaas oo la sheegay in uu ku wajahnaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, iyo wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho ku joogay deegaannada Galmudug.

Dadka ku dhintay qaraxan, oo la rumeysan yahay inuu fuliyay qof walxaha qarxa isku soo rakibay, waxaa ka mid ah:

Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari),

Taliyiyihii Ciidamada danab, qeybta Galmudug, Korneyl Muqtaar Cabdi Aadan.

Taliye ku xigeenkii ciidanka danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali.

Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo- Qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa xaqiijiyey geerida saraakiisha, waxaana uu guud ahaan ciidanka xoogga iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid saraakiisha iyo dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay qaraxa.


1 Response

  1. Amiin says:

    DADKII KU SAB LAHAA ILAAHOW DHULKA LA GOOY

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *