Shaqaale Café oo la is-lahaa hala ceebeeyo oo lacag badan helay badelkeeda

Haweeney booqatay mid ka mid ah kafeeyada Starbucks ee magaalada San Diego ee goblkaasi California, Mareykanka, ayaa waxaa shaqaale ka tirsan kafeegaasi u diiday in uu u adeego hadeysan xiran maaskaha wajiga lagu xirto ee looga hortago cudurka coronavirus.

Haweeneydan oo hadalka shaqaalahan ka carootay ayaa ku qeylisay, carana uga baxday kafeegaasi, iyadoona muuqaal ay ka duubtay markii ay canaananeysay soo dhigtay barta bulshada Facebook si ay ugu “ceebeyso”.

Waxaa ay farriin muuqaal wadata oo ay soo dhigtay facebook ku qortay ” Waxaan la kulmay shaqaale ii diiday in uu ii adeego maadaama aan xirneyn maaskaha wajiga, marka xigtana malaha booliska ayaa wadada iga qaban doona oo caafimaadkeyga baari doona”.

Qoraalkan oo saacado kadib qabsaday Facebook ayaa halkii ay islahayd haweeneydan ceebeey wiilkii u adeegayay oo lagu magacaabo Lenin Gutierrez (24 -jir) ay u sameysay asxaan uu ku “taajiro”.

Waxaa durba loo aas-aasay bar lacag loogu uruuriyo si loo taageero, waxaana cadadka lacagta loo qorsheeyay oo aheyd 1000 dollar ay gaartay ku dhawaad 80.000 oo dollar.

Si kastaba Lenin ayaa u mahadceliyay haweeneyda isku dayday in ay ceebeyso iyo dhammaan dadkii dhaqaalaha ku taageeray, waxaana uu sheegay in lacagtaasi uu ku ceyrsan doono hamigiisa ah in uu danser noqdo isagoona qeyb ka mid ah lacagtaasina siin doono hay`adaha wax tabaruca.

Gobolka California oo ay dhacdadani ka dhacday ayaa waxaa ka jira sharci coronavirus oo dhigaya in uu qofka maasko xirta haddii uu ruux kale u jiro wax ka yar 1-2 mitir, waxaa kaloo maaskaha xiranaya cid kasta oo dukaameysaneysa ama raaceysa gaadiidka dadweynaha.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *