Nin ka ganacsaday daroogada islamarkaana ku nool dalkaasi Australia ayaa sameeyay dhacdo ka yaabisay booliska iyo shacabka dalkaasi kadib markii si iskiis ah uu ugu dhacay laba gaari oo boolisku lahaayeen kuwaas oo meel iska yaalay xilli uu gaarigiisa ku siday 260 kiilo oo daroogo ah.

Ninkan loo bixiyay “dabaalka sannadka” oo magaciisa la yiraahdo Simon Tu (28-jir)  ayaa ka khal-khalay gawaaridan booliska ah oo xilligaasi aysan cidi ku jirin, kuwaas oo yaalay meel aan ka fogeyn saldhigga booliska magaalada  Sydney.

Cida ka war-qabtay ama la socotay dhaq-dhaqaaqiisa iyo waxa uu sido ma laheyn, balse waxaa la ogaaday kadib markii uu ku dhacay gawaarida booliska.

Mar la weydiiyay waxa uu gaariga ku sido ayuu sheegay in uu sido Pizza, marki la baarayna waxaa laga helay 13 baako oo aalada daroogada loo yaqaan metamfetamin ay ku jiraan.

Qiimaha lacageed ee daroogada uu siday ayaa lagu sheegay 130 milyan oo dollarka australia ah.

Maxkamad lasoo taagay jimcihii ayaa sheegtay nasiib xumadiisa kaliya ay fashilisay islamarkaana ay ku baraarugeen oo kaliya shilka.

” Nasiibdarro xun ayaa ku dhacday dambiilaha, laakiin nasiib wanaag shacabka ayaa ka bad-baaday aafadiisa”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maxkamadda.

Lix sano iyo bar xabsi ah ayaa lagu xukumay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*