Home Wararka Maanta Sanbaloolshe oo Safarkiisii Ugu Horeeyey Ku tagay Maantay Degma Dhawaan Alshabaab laga...

Sanbaloolshe oo Safarkiisii Ugu Horeeyey Ku tagay Maantay Degma Dhawaan Alshabaab laga Saaray

0

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Janaraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow iyo agaasimaha guud ee hay’adda NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa maanta gaaray jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo si diiraan loogu soo dhaweeyay.

Labada Taliye ayaa waxaa booqashadan ku wehlinaya guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo saraakiil kale oo ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda oo halkaas ay kusoo dhaweeyeen dadka deegaanka.

Ujeedka taliyeyaasha NISA iyo Xoogga dalka ayaa ah sidii ay kormeeri lahaayeen xeryaha ciidamada, una ogaan lahaayeen xaaladda iyo dhaq-dhaqaaqyada ka jira halkaasi.

Sidoo kale waxa ay ku bixi doonaan xiisad u dhexeyo laba beelood oo walaalo ah oo ka taagan deegaano dhaca xadka kala qaybiya gobollada Hiiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Janaraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Sanbaloolshe ayaa sidoo kale la kulmo doono waxgaradka deegaanka, si ay xog wareystaan xaaladaha ka jiraa halkaasi.

Aadan Yabaal ayaa kamid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, kadib wajigii koowaad ee dagaalka Al-Shabaab ee ka dhacay HirShabelle.

Weli waxaa degmadan iyo agagaarkeeda difaac uga jira ciidanka deegaanka iyo kuwa dowladda oo howlgallo culus ka wada xadka u dhexeeya labada gobol.

Si kastaba, safarka Sanbaloolshe ee Aadan Yabaal ayaa noqonayaa kii ugu horreeyay ee uu uga baxay Muqdisho, tan iyo markii dhowaan loo magacaabay Taliyaha Hay’adda NISA.

Previous articleDiyaaradda Air France oo cillad qabsatay Xili ay Duilimaad ku jirtay iyo Duuloyaha oo Go,aan Cajiib ah Qaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here