Taliska booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay falkii isugu jiray kufsiga iyo dilka ee gelinkii dambe ee shalay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir loogu geystay gabar dhalinyaro aheyd oo lagu magacaabay Xamdi Maxamed Faarx.

Qoraal uu soo saaray afhayeenka ciidanka booliska G/le Sadiiq Aadan ayaa waxaa uu ku sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan dhacdadan islamarkaana ilaa iyo iminka ay hayaan afar ruux oo tuhunsanayaal ah.

Akhriso Qoraalka Boolisk:

Shalay 11/Sep/2020, abaare 14:00pm duhurnimo ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi, waxaa Soo gaaray warbixin ku saabsan meedka gabar la dilay, gudaha Degmadaas gaar ahaan guri dabaq ah oo ku yaala Waaxda #Maajo in laga Soo tuuray Marxumad Xamdi Maxamed Faarax ina Hooyo Nadar Caraale Culusow, 19 jir ah ku dhalatay Ceelbur dagan Degmada Deyniile, Marxuumada ayaa ka mid aheyd dhalinyaradii dhawaan gashay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Sarre ee sanadkaan kuna baastay.

Meesha uu Kiisku marayo.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ka duulayo warbixintaas ayaa goobta tagay. Isla markaasna marsiiyay nadaamka lagu maamulo goob danbi ka dhacay, waxaan biloownay baarista, aruurunta cadeymaha iyo gacan ku dhigista eedeysanayaasha oo aan gacanta ku hayno ilaa 4 #Eedeysane, waxaa socota baaris qoto-dheer, waxaana si dhaw Ummadda ula wadaagidoonaa natiijada Baarista oo dhameystiran.

Ugu danbeyn.

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed, u cadeynaynaa in ay socoto baaristu dhawaana aan natiijada la wadaagidoonno, qof kasta oo ay ku cadaatana aan Cadaalada horleenidoonno, hadii alle idmo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*