Home Wararka Maanta Boorama” Madax-dhaqameedka gobolka Awdal oo Ciidanka ku wareejiyay amniga magaalada

Boorama” Madax-dhaqameedka gobolka Awdal oo Ciidanka ku wareejiyay amniga magaalada

0

Madax-dhaqameedka gobolka Awdal ayaa maanta ku dhawaaqay in amniga magaalada ay si buuxda ugu wareejiyeen ciidamada booliiska, kadib maalmo ay dhallinyaro gadoodsani gacanta ku hayeen magaalada.

Suldaan Dhawal, oo warbaahinta la hadlay kadib kulan ay isaga iyo salaadiintu la yeesheen hay’adaha amniga, ayaa sheegay in ay ogolaadeen in ciidamadu ay amniga dib ula wareegaan.

“Waxaynu ognahay in aanu nidhi ciidamadu magaalada haka baxaan dhammaantood, annaga oo aan kala reebin booliis iyo millateri. Amarkaas waa la qaatay, sideedii ayeyna u dhacday… Maanta waxaan sheegaynaa, amrayna, in ay saldhigyada tagaan oo magaalada amnigeeda ilaaliyaan, cid ugu tagtana ayayna jirin,” ayuu yidhi Suldaan Dhawal.

Waxay sheegeen in danta shacabka Borama ay ku jirto in ciidamada amnigu ay gacanta ku hayaan magaalada, iyaga oo tilmaamay in dhallinyaradu ay magaalada ka geysteen dambiyo ay ka mid tahay in ay dadka ka qaadeen baad.

“Dhallinyarada waxaan leenahay: ciidanka waad la shaqaynaysaan; danteenna ayaa ku jirtaa, horumarkeenna ayaa ku jira, amnigeenna ayaa ku jira,” ayuu yidhi mid ka mid ah salaadiinta.

Salaadiinta ayaa hore u amray in ciidamadu ay magaalada ka baxaan, kadib markii uu dhacay isku dhac dhexmaray ciidamada iyo shacab ka cadhaysnaa munaasibadda Xeer Ciise ee la doonayay in Saylac lagu qabto. Hadda waxa socda dadaallo dib loogu soo celinayo nabadda.

Salaadiintu waxa kale oo ay amreen askar ka tirsan millateriga oo ka cadhootay, in ay dib ugu noqdaan xeryahoodii iyo ciidamadii ay ka tirsanaayeen. Waxay sidoo kale jabhadaha ku sugan nawaaxiga magaalada ugu baaqeen in ay meel iskugu yimaaddaan si loola xaajoodo.

Dhanka kale, salaadiin ka socda Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo uu hoggaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiilwaal, ayaa soo gaadhay Somaliland sidii ay uga shaqayn lahaayeen in nabad laga dhex abuuro beelaha gobolka Awdal ee isku khilaafsan Xeer Ciise iyo lahaanshaha degmada Saylac.