Ciyaartoyda kooxda Barcelona oo mushaarka laga jarayo boqolkiiba todobaatan

Kooxda kubadda cagta ee ka aas-aasan dalka Spain ee Barcelona ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartooydeeda boqoliiba todobaatan (70%) mushaarka laga jari doono inta lagu gudo jiro marxaladda cudurka coronavirus oo sidoo kale saameeyay dhaqaalaha caalmka.

Kabtanka kooxda Lionel Messi ayaa sheegay in arrintan looga gol-leeyahay sidii ay u caawin lahaayeen kooxdooda.

Waxaa go`aanka kooxdan Barcelona ka horreeyay mid ay maalmo ka hor qaateen ciyaartoda kooxda Juventus kuwaas oo muddo afar bilood ah mushaarkooda hakiyay.

Dalka Spain ayaa u muuqda in uu saameynta ugu badan caalamka uu ku reebay cudurka coronavirus, waxaana uu ilaa iyo iminka uu ka dilay dad kor u dhaafaya 7,340.

Kooxaha ka dhisan dalka Jarmalka ee Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ayaa iyana qaatay go`aan mushaar jaris ah.

Akhriso sidoo kale...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *