Shiinaha ayaa UK uga digay iney soo faragashato arrimaha Hong Kong gaar ahaanna sharciga ammaanka qaranka ee ay Beijing dooneyso iney ka hirgeliso Hong Kong.

Danjire Liu Xiaoming wuxuu sheegay baaqa ka soo yeeray UK ee ah iney dad ka badan 3 malyan oo Hong Kong ka soo jeeda ay sharciga UK siineyso ay tahay ‘Faragelin guud’.

Xoghayaha arrimaha dibadda Britain Dominic Raab ayaa eeddaasi ku gacan seydhay.

Kooxaha ka soo horjeeda sharcigan cusub ayaa sheegay sharcigan inuu meesha ka saarayo xorriyadda iyo xuquuqdi ismaamul ee ay Hong kong lahayd.

Mar sii horreysayna Joshua Wmog oo ka mid ah xubnaha ugu cad cad ee u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda Hong Kong wuxuu caalamka uu u diray codsi uu ku dalbanayo in qaddiyadda Hong Kong la garab istaago.

Danjire Liu wuxuu sheegay inuu rajeynayo UK iney ka laaban doonto mowqifka ay sharciga muwaaddinimada ku siineyso shacab badan oo Hong Kong ku nool.

“Dowladda UK waxay gaartay qaraar aan xilkasnimo ahayn oo ay arrimaha Hong Kong ku soo faragelineyso” ayuu yiri mar uu ka hadlay shir jaraaid oo muuqaal dhinaca khadka interneetka ah oo uu qabtay.

Danjiraha wuxuu sheegay iney tallaabbada rasmiga ah ee ay Beijing ugu talagashay iney uga falceliso arrintan la ogaan doono marki ay faahfaahinta ogaato.

Mr Liu sida oo kale wuxuu UK uu u diray digniin ku saabsan go’aannada liddiga ku ah shirkadda weyn ee dhinaca teknooloojiyadda ee laga leeyahay dalka Shinaha ee Huawei iney horumariso adeeggeeda interneetka ee 5G, taasoo farriin aad u xun u direyso shariikadaha kale uu Shiinaha leeyahay.

UK ayaa waxay ku doodeysaa inuu Shiinaha baalmaray heshiiski dhaqangalay 1997-kii, heshiiskaasi oo Hong Kong u oggolaanayey muddo 50 sana ah iney xuriiyado gaar ah hesho inta si kama dambeys ah Hong Kong gacanta Beijing looga celinayo.

Xoghayaha arrimaha dibadda UK Dominic Raab ayaa ku adkeysanayo qorshaha Britain ay malaayiinta qof dhalashada ku siineyso iney mataleyn faragelin arrimaha gudaha Shiinaha lagu sameynayo.