Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabtay waxa ay ku tilmaantay hadallo iyo tallaabooyin ka soo baxay “xafiis sharci-darro ah” oo ku yaalla magaalada Hargeysa, oo ay ula jeedo Xafiiska Taiwan ee Hargaysa, kadib markii Xafiiska Taiwan uu dhaliilay hadal uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku taageeray midnimada Shiinaha.
Safaaraddu waxay sheegtay in aan la dhayalsan karin go’aanka, rabitaanka iyo awoodda shacabka Shiinaha ee ku aaddan difaaca madax-bannaanida qarankooda iyo midnimada dhuleed, iyadoo xustay in Shiinuhu mar walba u taagan yahay midnimo qaran iyo dib-u-mideyn nabadeed, balse aanu marnaba ka tanaasuli doonin isticmaalka awood haddii ay xaaladdu qasab ka dhigto.
Warbixinta Safaaradda Shiinaha ayaa lagu eedeeyay maamulka DPP ee Taiwan iyo waxa ay ugu yeedheen “xoogag gooni-u-goosad ah” inay ku hawlan yihiin ajande kala-go’ ah oo saameyn ku leh dhulka Soomaaliya oo ay ula jeedo gooni-isu-taag Somaliland, arrintaas oo ay ku tilmaantay mid wax u dhimaysa madax-bannaanida iyo amniga qaranka Soomaaliya.
Shiinuhu wuxuu si cad u sheegay inuu si buuxda u taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ay ku doonayso ilaalinta midnimada dalka, madaxbannaanidiisa iyo wadajirka dhuleed, isagoo ku celiyay in Shiinaha iyo Soomaaliya ay wadaagaan mabda’a ixtiraamka madax-bannaanida dalalka.
Safaaradda Shiinaha ayaa sidoo kale bogaadisay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib wareysi uu siiyay telefishinka CGTN, kaas oo uu mar kale ku adkeeyay mowqifka Soomaaliya ee mabda’a hal-Shiinaha (One-China Policy), iyadoo Shiinuhu ballanqaaday inuu sii xoojin doono wada-shaqeynta labada dal.
Warbixintu waxay mar kale carrabka ku adkaysay in dunida uu ka jiro hal Shiine oo keliya, isla markaana Taiwan ay tahay qayb aan ka go’i karin dhulka Shiinaha, ayna jirto hal dowlad oo sharci ah oo metelaysa Shiinaha oo ah Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, iyadoo sheegtay in Taiwan ayna waligeed noqon karin dal madax-bannaan.
Ugu dambayn, Safaaradda Shiinaha ayaa ku eedaysay xoogagga ku baaqa madaxbannaanida Taiwan iyo taageerada dibadda ee ay helaan inay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka Aasiya iyo Baasifigga, iyadoo ku tilmaantay maamulka Taiwan mid ku shaqeeya “dimuqraadiyad been ah iyo kelitalisnimo dhab ah”.








