Booliska dalka Holland ayaa shaaca ka qaaday in ay xabsiga u taxaabeen in ka badan 70 dibedbaxayaal ah kuwaas oo habeenkii saddexaad ka waday dalkaasi dibedbaxyo rabshado wata oo ay kaga soo horjeedaan bandowga la xiriira cudurka Coronavirus.

Dadkan ayaa laga qab-qabtay magaalooyin kala duwan oo dalkaasi ah oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Amsterdan.

Dibedbaxayaasha ayaa geystay bililiqo iyo burburin goobo ganacsi, waxaana ay sidoo kale mararka qaar isku dhacayeen booliska.

Booliska ayaa dhankooda u adeegsaday dibedbaxayaasha sunka dadka ka ilmeysiisa iyo biyo booyado ku jira.

Dibedbaxan ayaa yimid xilli dowladdu soo rogtay bandow cusub maadaama uu ka daray cudurka COVID-19, iyadoo ay dadku horay ula tacaalateen kii sannad kahor la saaray.

Lama soo sheegin wax dhimasho ah ilaa ila hadda oo ka dhashay dibedbaxaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*