Home Wararka Maanta Dowladda Shiinaha oo Soo Dalbatay Caanaha Geela Soomaalida

Dowladda Shiinaha oo Soo Dalbatay Caanaha Geela Soomaalida

0

Dowladda Shiinaha ayaa dalbaneysa caanaha Geela, waxayna dalabkaas u soo gudbisay dowladda Kenya, sida uu shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Kenya, Dr Erick Rutto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sanadkiiba dalka Shiinahu dalbanaayo 9 milyan oo liitar oo caanaha Geela ah, Soomaalida Kenya ayaa si weyn u dhaqata Geela, iyagoo iib geeya caanihiisa.

Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Kenya ayaa xusay in ay tani fursad weyn u tahay xoola dhaqatada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya oo ah gobolka ay Soomaalidu degto ee NFD.

Guddoomiyaha ayaa cadeeyey in suuqaan diyaarsan ee lagu doonaayo caanaha Geela ay ka faa’iidaysa doonaan xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Waxuuna xusay in sanadkiiba lacag u dhan 5.2 Bilyan oo lacagta Kenya ah, una dhiganta lacag ku dhow 40 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah ay Soomaalida Geela dhaqata ka faa’iidi karaan suuqaan Shiinuhu soo bandhigay.

Baahida caalamiga ah ee loo qabo wax soo saarka xoolaha ayaan korortay guud ahaanba caalamka, xoolo dhaqatada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayay tani u noqonaysaa suuq weyn oo muhiim ah oo dhaqaale badan ka macaashi karaan.

‘‘Dalabkaan ka imaaday Shiinaha waa albaab weyn oo khayr ah oo u furmay xoola dhaqatada Soomaalida ah ee gobolka Waqooyi Bari ku nool” ayuu yiri Dubad Cali Camey Guddoomiyaha Guddiga Suuqgeynta Xoolo dhaqatada Kenya oo BBC la hadlay.

Iibka caanaha Geela ayaa ka noqday wax caan ah goobaha ganacsiga ee ku yaala dalka Kenya, iyagoo noqda mararka qaar wax baraha bulshada hadal hayn ka dhaliya, waxayna dadku aad u falanqeeyaan faa’iidooyinkooda.

Previous articleGolaha Wasiirada oo Soo saaray Go,aan Culus oo Dadka soomaaliyeed ku farxeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here