Laacibka khadka dhexe uga dheella Manchester United, Paul Pogba, ayaan ciyaari doonin kulanka adag ee soo socda.

Kooxda Manchester United ayaa maalinka Axada ka hortagayso Manchester City ee ay halka magaalo ka wada dhisan yihiin.

Pogba ayaa kaarka casaanka qaatay ciyaartii kooxdiisa ay la lahayd Kooxda Arsenal.

Weeraryahanka u dhashay Faransiiska ayaa ciyaaraha horyaalka ka maqnaan doona saddex kulan oo soo socda.

Dhinaca kale waxaa la sameeyay isku-aadka wareegga saddexaad ee koobka FA-ga, kulamada ugu adagna waxaa ka mid ah

Liverpool iyo Everton

Manchester City iyo Burnley

Dhinaca kooxaha horyaalka Yurub caawa waxaa dhici doona kulamo ka tirsan horyaalkaasi. Kulamada isha lagu hayana waxaa ka mid ah:

Manchester United iyo CSKA Moscow

Bayern Munich iyo Paris Saint Germain

Chelsea iyo Atletico Madrid

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*