Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahan waddada Aadda garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde, waxaana wararku ay sheegayaan in qaraxu uu si gaar ah uga dhacay Iridda hore ee hoteel lagu magacaabo “Hoteel  Afrik”.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in qaraxu uu ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay Iridda  hore ee hoteelka, waxaana xigay rasaas xooggan oo la isku adeegsaday, iyadoo wararku sheegayaan in dableydii weerarka soo qaadday ka dagaalamayaan gudaha hoteelka.

Weerarkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegayaan wararka horudhaca ah, waxaan goobta soo buux dhaafiyay ciidan farabadan oo dowladda ka tirsan.

Dad shacab ah iyo xubno kale ayaa laga soo bac-baadiyay gudaha hoteel oo ilaa iyo iminka rasaastu ka socoto.

Wixii kusoo kordha kala soco Calanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*