Magaalada Sarpsborg oo qiyaastii 90km u jirta magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway ayaa waxaa uu nin soomaali ahi ka geystay weerar middi kaas oo ku waxyeeleeyay 3 dumar ah oo labo ka mid ah ay Soomaali yihiin, halka midda saddexaadna ay caddaan norwiji ah ahayd.

Warbixin booliisku soo saareen hal saac kadib weerarka ayaa lagu sheegay in haweenaydii caddaanka ahayd ay dhaawicii gaaray ay u dhimatay, halka labadii Soomaalida ahaana ay midkood xaaladeedu liidato.

Booliska ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay oo dada 31 jirka ah islamarkaana ay horay dhowrjeer u qabteen iminka la xiray.

Sida ay boolisku sheegeen ninka weerarka geystay in labada dumar ee soomaalida ah uu xiriir ka dhaxeeyo, walow eysan faah-faahin booliska nooca xiriirka.

Weli ma cadda sababta weerarka keentay, balse qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ayaa sheegaya in ninka weerarka gaystay uu ahaa nin maskaxda ka xanuunsan.

Wixii kusoo kordha kala soco Calanka.