Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukunno ku ridday afar nin oo eedeysanayaal ah, kuwaasi oo markii saddexaad dacwadooda loo fariistay islamarkaana ku eedeysan dambiyo kala duwan.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqayey xukunka raggan ayaa sheegay in dhammaan raggan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay.

Wuxuu sheegay in ciddii aan ku qanacsaneyn xukunka ay riday maxkamadda in ay u furan tahay racfaan.

  1. C/qaadir Abukar Shaacir waxaa lagu xukumay dil toogasho ah.
  2. Maxamed Cumar Akiile waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in.
  3. Daa’uud Maxamed Cali waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah.
  4. C/laahi Ibraahim Geesey waxaa lagu xukumay Labo Sano oo Xabsi ciidan ah.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*