Home Wararka Maanta Iiraan oo Ka Hadashay Gantaaladii la Sheegay Xalay inay Israail kusoo Qaaday

Iiraan oo Ka Hadashay Gantaaladii la Sheegay Xalay inay Israail kusoo Qaaday

0

Taliyaha guud ee ciidamada Iran ayaa sheegay in qaraxyada ka dhacay samada sare ee gobolka Isfahan ay la xiriirto habab lidka diyaaradaha oo lagu toogtay wax uu ugu yeeray shay laga shakiyay oo aan geysan wax khasaare ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka Iran ee IRNA.

“Khubarada ayaa baaraya dhacdadan waxayna ku wargelin doonaan arrinta ka dib marka ay helaan natiijooyinka,” ayuu yiri Major General Abdolrahim Mousavi, sida lagu sheegay warbixinta IRNA.

Hadalka taliyaha guud ayaa la mid ah warbixin hore oo ay qortay wakaaladda wararka Iran ee Tasnim, oo soo xiganaysa taliyaha sare ee militariga labaad Brigadier General Mihandoust oo ku sugan magaalada Isfahan kaasoo sheegay inaysan jirin “wax khasaare ah ama dhacdo ah” oo ka dhashay qaraxa aaggaas.

Taliyaha sare ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa la maqlay uu ka dhashay “difaaca hawada oo ridayay shay laga shakisan yahay.”

Saraakiisha Iran ay ku adkaysanaya inuusan jirin wax weerar ah oo Iran looga soo qaaday dibadda, sida uu ku warramay telefishinka Press tv oo afka Tehran ku hadla.

Israa’iil, sidii horey looga bartay ma sheegi doonto inay mas’uul ka tahay weerarka saaka ka dhacay dhowr bartilmaameed oo ku yaalla gudaha Iran, Ciraaq iyo Suuriya oo dhammaan lagu beegsaday saldhigyada ciidanka cirka iyo Ilaalada Kacaanka Iran.

Si dhaqso ah looma sheegi karo haddii ay Iran ay sheegi doonto inay fulinayso aargoosi, balse sida muuqata howlgalka daboolan ee Israa’iil, wuxuu fursad u siinaya Iran inay xiisadda halkaa ku soo xirto, si ay uga fogaato tallaabooyin kale oo dheeri ah oo ay la kulanto.

Previous articleXukuumadsa Somaliland oo qaadday tallaabo ay sheegtay in dekad ay kaga dhiseyso magaalada qadiimiga ah ee Lughaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here