Home Wararka Maanta Baarlamaanka Sweden oo ansixiyay sharciyo cusub oo fududeynaya masaafurinta ajaaniibta dembiyada gala

Baarlamaanka Sweden oo ansixiyay sharciyo cusub oo fududeynaya masaafurinta ajaaniibta dembiyada gala

0

Baarlamaanka Sweden ayaa maanta oo Talaado ah ansixiyay isbeddello sharci oo cusub oo fududeynaya in dalka laga masaafuriyo ajaaniibta ku kaca falal dembiyeed.

Sharcigan cusub ayaa dhigaya in mabda’a guud uu noqdo in dembiyada lagu muteysan karo ciqaab ka culus ganaax lacageed ay keeni karaan masaafurin.

Isbeddelladan ayaa si rasmi ah loo ansixiyay maanta, waxaana la filayaa in si buuxda loo dhaqan geliyo laga bilaabo 1-da Sebtembar ee soo socota, sida ay sheegtay wakaaladda wararka TT.