Xaalada magaalada Muqdisho ayaa maanta daggan, waxaana dib loo furay isku socodka waddooyinka Muqdisho, iyadoo Taallada Daljirka Daahsoon oo ahayd halka dowladdu ay gaysay ciidanka ugu badnaa haatan ay tahay mid furan oo dib loo fasaxay isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Waxaa la arkayaa bulshada qeybeheeda kala duwan oo isticmaalaya waddada, isla markaana hadda ay xaaladdda guud tahay mid sidii hore kusoo laabatay, maaddama waddadu 24kii saac ee aynu soo dhaafnay ay ahayd mid xiran.

Waddooyinka ayaa xirmay kadib markii mudaaharaad ay diidan tahay dowladda ay ku baaqeen midowga musharraxiinta, kuwaas oo ciidamo soo dhoobay baheen hore taallada Daljirka Daahsoon.

Ciidanka dowladda ayaa dagaal dhacay habeen hore saqdhexe waxaa ay kula wareegtay taalada Daljirka, iyadoo gaadiidka dagaal iyo ciidamo ka qab-qabtay dhanka kale.

Dhanka kale, waxaa hirgeli waayay mudaaharaadkii ay ku baaqeen midowga musharrixiinta sababo la xiriira bandow lagu soo rogay magaalada shalay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*