Haweeney u dhalatay dalka Slovenia ayaa lagu helay dambi ah in ay si ula kac ah isaga jartay gacanteeda, iyada oo qayb ka ah kiyaamo ay rabtey inay ku samayso shirkadaha caymiska.

Maxkamad ku taal caasimadda Ljubljana ayaa ogaatay in Julija Adlesic, oo 22 jir ah, ay qaadatay shan caymis sanadkii ka horeeyay dhaawaca.

Adlesic waxay u istaagtay inay kasbato in kabadan € 1m (£ 900,000, $ 1.16m) oo kharash bixin ah.

Waxay hadda wajaheysaa labo sano oo xabsi ah, halka saaxiibkeed laoo jaray xukun seddex sano ah.

Shirkadaha caymiska ayaa maalgelin siiya macaamiishooda kolka uu dhaawac soo gaadho ama ay hanti ka burburto.

Adlesic iyo tiro eheladeeda ah ayaa la xidhay sanadkii 2019 ka dib markii ay timid isbitaalka iyada oo gacanteeda ay go’nayd intii hore.

Maxkamaddu waxay ogaatay in iyada iyo saaxiibkeed ay si ula kac ah uga yimaaddeen gacantii go’nayd halkii ay keeni lahaayeen si loo hubiyo in naafonnimadu ay joogto u noqon karto iyo in xal la keli karo.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in gabadha saaxiibkeed uu sida oo kale maalmo ka hor sameeyey baadhitaanno ku saabsan gacmo macmal ah, oo dhanka internetka ah.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in tani ay cadeyn u tahay in dhaawaca uu ahaa mid ula kac ah, ayna ka dhigan tahay in ay isla ogaayeen.

Adlesic saaxiibkiid aabihiis ayaa isna lagu xukumay hal sano oo ganaax ah.

Intii baadhistu socotay, Adlesic way beenisay inay si ula kac ah gacanteeda isaga jartay.

Haddii sheegashada been abuurka ah ay ee ay wadeen ay ku guuleysan lahaayeen, lamaanahani waxay heli lahaayeen in ka badan nus milyan yuuro oo ah wadar ahaan, inta kalena waxaa lagu bixin doono hadba qayb bil kasta ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*