Gaashaanbuurta Nato ayaa waxay ugu baaqeen Ruushka in uu shaaca ka qaado oo uu baarayaal caalamka tuso barnaamijka suntan loo yaqaano Novichok oo ah mid waxyeelaysa neerfooyiinka, ka dib marka la sumeeyay Alexei Navalny oo ah hogaamiyaha mucaaradka Ruushka.

Xoghayaha guud ee Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay gashaanbuurta ay si mideysan u cambaareynayaan weerarkaasi”argagaxa leh”.

Waxaa uu intaa ku daray in ay jirto “cadeymo aan shaki ku jirin ” oo ku saabsan in suntan Novichok ee waxyeelaysa neerfooyiinka loo isticmaalay Mr Navalny.

Balse xukuumadda Ruushka ayaa beenisay natiijadii ka soo baxday baaritaankii dhakhatiirta Jarmalka oo iyagu sheegay in Mr Navalny la sumeeyay.

Mr Stoltenberg ayaa xusay in aqalka Kremlin ay tahay”inay si buuxda ula shaqeeyaan hay’adda mamnuucida hubka kimikada ah si baaritaan madaxbanaan lo sameeyo”.

“Waxaan sidoo kale aan Ruushka ugu baaqaynaa in si buuxda ay shaaca uga qaadaan oo ay ku wargaliyaan Hay’adda barnaamijka sunta neerfaha waxyeelaysa,” ayuu intaa ku daray.

Suntani waxyeelaysa neerfooyiinka oo la isticmaali jiriray xilligii soofiyeetka ayaa sidoo kale ahayd midii 2018 loo isticmaalay sargaal horey uga tirsanaa sirdoonka oo lagu magacaabo Sergei Skripal iyo gabadhiisa oo ku sugan dalka UK.

Aleksej Navalnyj

Britain ayaa ku eedeeysay sirdoonka militariga Ruushka inay ka dambeeyeen weerarkaasi.

Xilligaasi in ka badan 20 dal ayaa dalalkooda ka ceyriyay 100 dublamaasi iyo dad sirdoon looga shakisanaa oo Ruushka u dhashay.

Ruushka ayaa sidoo kale beeniyay in uu ku lug lahaa weerarkaasi 2018 lagu qaaday Sergei Skripal iyo gabadhiisa oo ku sugan dalka UK.

Hasa yeeshee xoghayaha guud ee Nato Mr Stoltenberg ayaa carabka ku dhuftay in sumaynta Mr Navalny oo ka dhacday gudaha Ruushka oo aan xubin ka ahayn Nato ay ka duwan tahay weerarkii Skripals.

“Waxan rumaysanahay in tani ay gabi ahaanba tahay jabin la jabiyay shuruucda caalamiga ah oo horey loogu mamnuucay isticmnaalka hub Kimiko ah,” ayuu yiri.

Balse dhowr xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Ruushka ayaa ku gacan seyray dalabka gaashaanbuurta Nato.

“Ilaa khubaro ay cadeeyaan ama beeniyaan in Kimiko la isticmaalay, ku lug yeelashada hay’adda mamnuucida kimikada fikir ahaan waxaan u arkaa mid la siyaasadeeyay,” ayuu yiri Konstantin Kosachev oo oo ka tirsan golaha isu-tagga Ruushka.

Alexei oo ah nin si wayn ugu ololeeya ka hortaga musuqmaasuqa ayaa xanuunsaday xilli uu safar duulimaad ah ku jiray.

Maxay tahay Sunta Novichok?

Magaca Novichok oo ah kalmad Ruushiyaan ah ayaa loola jeedaa (Wax mardhow yimid) waxaana loo yaqaanaa koox curiyeyaal ah oo lid ku ah habka neerfaha qofka oo sameeyay intii u dhaxaysay 19070-kii illaa 1980-kii xiligii uu jirey xukunkii Soviet-ka.

Sanadkii 1999-kii saraakiil ka socota gaashaandhigga Maraykanka ayaa u safray dalka Uzbekistan si ay gacan uga siiyaan burburinta kayd hubka kiimikada oo ay ka tagtay dowladdii Soviet-ka oo halkaas ka talin jirtay.

Sida uu sheegay sargaal soo baxsaday, dowladaasi ayaa waxa ay goobahan ku bacrimin jirtay guntimo yaryar oo ka tirsan maadada Novichok, taas oo loo sameeyay qaab aysan ogaan karin dadka kormeerayaasha caalamiga ah.

Mid ka mid ah maaddooyinka kala duwan ee kooxda Novichok waxaa lagu magacaabaa A-20, waxayna 5 illaa 8 jeer ka sun badantahay maadama VX ee iyaduna neerfaha lagu weeraro.

“Waxa ay tani ka halis badantahay , kana casrisantahay maaddada VX, waana adagtahay in la ogaado” ayuu yiri Prof Gary Stephens oo tirsan jaamacadda Reading.

One Comment

  1. Pingback: NATO: Ruushku ha caddeeyo barnaamijkiisa ku aadan sunta Novichok - Ilo Wareed - | Ilo Wareed -

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*