Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dastuurka cusub...

Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dastuurka cusub ee dalka

0

Xildhibaanada iyo Senatorrada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyey Dastuurka cusub ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo shir guddoominayey kulanka, ayaa ku dhawaaqay in 222 xubnood ay oggolaadeen dastuurka, kuwaas oo kala ahaa 185 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 37 senator oo Aqalka Sare ka tirsan. Wuxuu sheegay in codbixintu ku dhacday si aqlabiyad leh, isla markaana aanay jirin cid diiday ama ka aamustay.

“Saasuu dastuurkii Soomaaliyeed ansax ku yahay. Taariikh sharaf leh ayaad qaaddeen,” ayuu yiri Guddoomiye Madoobe, isagoo ku tilmaamay meel marinta dastuurka mid ku suntan bogga taariikhda dalka.

Masuuliyiin iyo xildhibaano ka hadlay kulanka baarlamaanka ayaa ansixinta ku tilmaamay mid soo afjareysa marxalad dheer oo ku-meel-gaar ah. Abuukaate Burhaan Aadan Cumar oo ah gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka ee labada Gole, ayaa sheegay in  ay tahay maalin taariikhi ah oo uu soo idlaaday geeddi-socod dheer oo muhiim u ah sida uu sheegay dhismaha dowladnimada iyo kala xadaynta awoodaha hay’adaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista iyo La Socodka Dastuurka ee labada aqal, Xildhibaan Xuseen Iidow, ayaa isna sheegay in baarlamaanka 11aad uu nasiib u yeeshay dhammeystirka dastuurka ku-meel-gaadhka ah.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin, ayaa sheegay in marka la dhammaystiro habraacyada haray, oo ay ka mid yihiin saxiixa Madaxweynaha iyo faafinta rasmiga ah, dastuurku uu yeelan doono dhaqan-gal rasmi ah. Wuxuu ku tilmaamay tallaabadan mid qaran oo ka saaraysa dalka marxaladdii ku-meel-gaarka ahayd.

Si kastaba, ansixinta dastuurka ayaa imaanaysa xilli qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay hore uga digeen in tallaabadan ay wiiqi karto midnimada iyo wada-tashiga siyaasadeed. Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan mowqifyada sida ay mucaaradku u arkaan meel marinta dastuurka cusub.