Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in dib loo dhigo doorashada madaxtinnimada dalkiisa ee 2020, isagoo sabab uga dhigay in ay jiri karto wax is-dab- marin dhinaca codadka boostada ah, inakstoo aysan jirin caddeymo muujinaya walaaca Trump.

Sababo la xiriira cudurka coronavirus ayaaa waxaa dadku ay cododkooda ka dhiibanaayan dhanka postada, taas oo uu walaac ka muujiyay madaxweyne Trump.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee twitterka ayuu ku sheegay in cod-dhiibashada dhanka postada waxaa ay sababi kartaa wax isdaba marin iyo codadka oo aan si sax ah loo maareyn.