Boqorka dalkaasi Sacuudiga Salmaan bin Abdulaziz ayaa laga saaray isbitaalka King Faisal hospital ee caasimadda, Riyadh kadib markii uu ku jiray halkaasi muddo 10 casho ah islamarkaana qalliin loogu sameeyay looga saaray xameytida.

Boqor Salmaan oo 84 jir ah ayaa muuqaal laga duubay xilligii uu isbitaalka kasoo baxayay muujinayay isaga oo cagahiisa ku soconaya islamarkanaa ay wehliyaan xubno ka tirsan qoyskiisa oo uu ku jiro wiilkiisa amiir Mohammed bin Salman.

Soo bixitaanka boqorka oo kusoo beegantay maalinta koowaad ee ciidul Adxaa ayaa waxaa uu qoraal uu soo saaray ugu hambalyeeyay shacabkiisa iyo dhammaan umadda Islaamka munaasabadda ciidul Adxaa, waxaa uu sidoo kale Allaah uu uga baryay dalkiisa iyo guud ahaan caalamka in uu ka dul-qaado aafada cudurka coronavirus oo adduunka kala xiray, saameyn ballaarana u geystay.

Boqorka ayaa ku tukubayay ul bakoorad ah, sida caadada u aheydba.

Boqor Salman, ayaa ah boqorkii labaad ee mid ka mid ah dalalka Khaliijka oo labadii todobaad ee u dambeeyay isbital la dhigo, kadib markii boqorka 91-jirka-ah ee dalkaasi Kuwait Sheikh Sabah al-Ahmad Al-Sabah isna sidoo kale la dhigay isbital.

Boqorka ayaa dalka Sacuudiga xukumayay tan iyo sannadkii 2015-ka.