Muddo 7 daqiiqadood ah ayaa waxaa taagnaa daagaal garoonka Parc des Princes ee magaalada Paris ku dhex marayay ciyaaryahannada kooxaha PSG iyo Marseille.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii  ciyaaryahanka kooxda PSG Leandro Paredes uu weeraray Dario Benedetto daqiiqadihii u dambeeyay ee ciyaar-kordhinta.

Waxaa xigay hiilada Jordan Amavi oo ka tirsan kooxda Marseille oo haraantiyay ciyaaryahan ka tirsan PSG, sidaasna uu gacan-ka-hadalka uu faraha uga baxay, una ballaartay.

Ugu dambeyn aarbiitaraha ayaa arrinta soo dhex galay oo ka safay kaarka cas dhammaan ciyaaryahannadii dagaalamay oo uu ka mid yahay laacibla loo yaqaan Neymar.

Neymar ayaa feer u galiyay jeegada ciyaaryahanka lagu magacaabo  Alvaro Gonzalez, waxaana uu arrintani ku sababeeyay in loo geystay laguna aflagaadeeyay hadallo cunsurinimo ah.

Laacibkan ayaa xoogaa kadib soo dhigay bartiisa twitterka in uu ka shalleynayo oo kaliya in uusan wajiga feer u galin ciyaaryahanka.

Kooxda Marseille ayaa 1-0 ugu guuleysatay ciyaarta, waana guul-darradii labaad ee soo gaarta kooxda PSG xilli-ciyaareedkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*