Waxaa maanta dalka Kuuriyada Koonfureed, gaar ahaan magaalada Pyeongchang ka furmay tartanka ciyaaraha Olombikada qaboobaha halkaas oo ay isugu tageen dalal badan oo tartankaasi ka qeyb galaya.

Xafladda furitaanka ciyaarahaasi ayaa waxaa ka qeyb galay madax kala duwan oo ka ka socday dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Japan, Jarmalka, Waqooyiga Kuuriya iyo kuwo kale, waxaana hal masrax la wada istaajiyay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence iyo gabadha la dhalatay madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya ee lagu magacaabo Kim Yo-yong.

Wajiga madaxweyne xigeenka Mareykanka ayaa laga dheehanayay sida ay baahinayeen warbaahinta ka xumaansho uu ka xun yahay in hal masrax la wada saaray isaga iyo xubin ka socota dal ay is hayaan Mareykanka, waliba hanjabaadyo cul-culus dhex mareen.

Afhayeenka Mike Pence oo lagu magacaabo Alyssa Farah ayaa sheegtay in madaxweyne xigeenku uu gacan-qaaday inta badan madaxda munaasabadda lagu casuumay, balse uusan salaamin kuwa ka socday dalka Waqooyiga Kuuriya.

Dhiibo Fikirkaaga

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Calanka TV