Musharraxii madaxweyne ee cudurka COVID-19 isbitaalka ugu jiray oo geeriyooday

Waxaa geeriyooday musharraxii madaxweyne ee cudurka COVID-19 isbitaalka u galay dalkaasi Congo-Brazzaville xilli xaalad caafimaad loogu qaday dalkaasi Fransiiska, waxaana uu ku dhex geeriyooday diyaaraddii lagu siday, sida uu sheegay ninkii u qaabilsanaa ololihiisa doorashada Christian Cyr Rodrigue Mayanda.

Musharraxan ayaa ku booriyay taageerayaashiisa in ay u codeeyaan maalinta Axadda ah oo ku beegneyd shalay.

Waxaa la dhigay isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaal magaalada caasimada ah ee Brazzaville, waxaana markii dambe la xaqiijiyay inuu hayo cudurka loo yaqaan ‘Covid-19’.Isaga oo ku hadlaya luuqadda Faransiiska isagoo sariirta cisbitaalkiisa jiifa, Mr Kolelas wuxuu yiri: “Walaalahayga qaaliga ah, waxaan ku jiraa dhibaato. Waxaan la dagaalamayaa geerida. Sikastaba, waxaan idinka codsanayaa inaad u istaagtaan oo aad u codeysaan isbadal. Uma aanan dagaalami lahayn wax aan jirin.”

Madaxa kooxda dowladda ee la dagaallanka Covid-19, Elira Dokekias, ayaa sheegtay in xaaladda Mr Kolelas ay aad u liidatay sabtidii, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AP.Waxay ku adkeyd Axadii in loo wareejiyo qeybta coronavirus ee isbitaalka jaamacada ee Brazzaville, waxaana loo qaadi doonaa dibada si loogu soo daweeyo, Dr Dokekias ayaa laga soo xigtay.Markuu codkiisa ka dhiibtay caasimada, Mr Sassou Nguesso wuxuu u rajeeyay Mr Kolelas soo kabasho deg deg ah.Dadweyne aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay si ay u indha indheeyaan madaxweynaha, iyadoo dad badan oo aan xirneyn maaskaro ayna u hogaansami waayeen xeerarka kala fogaynta bulshada.

Mr Sasou Nguessou wuxuu ka adkaaday Mr Kolelas doorashadii ugu dambeysay ee 2016, wuxuu helay 60% codadkii la dhiibtay halka ninka la tartamayay uu helay 15%.Kooxda ilaalada ee NetBlocks ayaa soo warisay in internetka la xiray ka hor codbixinta Axada.Xisbiga ugu weyn mucaaradka, Pan-African Union for Social Democracy (UPADS), ayaa qaadacaya doorashada, iyagoo sheegay inay ka cabsi qabaan in codbixinta ay kala qeybiso umadda.Shirka wadaadada Kaniisadda Katooliga ee Congo-Brazzaville ayaa sheegay in ay “shaki culus ka qabaan” daahfurnaanta doorashada .

Mr Sassou Nguesso wuxuu xukunka hayay ilaa 1979, marka laga reebo mudo shan sano ah kadib markii looga adkaaday doorashadii 1992.Congo-Brazzavile waxay si rasmi ah u diiwaan galisay in ka badan 9,000 oo kiis oo ah Covid iyo 130 dhimasho ah.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *